DHAGEYSO: Nin Xaaskiisa oo u dhashay 4-carruur ah Sabab la Yaab leh ku dilay+(Naxdin)

0
170

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in nin maseyrsan uu xaaskiisa ku dilay deegaanada Masaajid Cali Gaduud oo hoose yimaada degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ninkaan oo kamid ahaa dadka deegaanka masaajidka Cali gaduuud ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa la Sheegay in Hubanti la’aan ay ka gashay in Xaaskiisa ay gaar u tahay iyo Xariir la leedahay rag kale taasi oo sababtay in rasaas uu kala dhaco qeybaha sare ee Jirkeeda.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay guriga lamaanaha ay ka maqleen rasaas culus oo uu Xaaskiisa ku dilayey Ninkaan oo ku hubeysnaa qoriga loo yaqaano AK47 ka dib markii uu ku qanciwaayey Habdhaqanka Haweeneydiisa.

Haweeneyda Seygeedu uu dilay Maseeyrka ayaa la Sheegay inay u dhashay 4-caruur ah oo wali da’yar waxaan la Sheegay in uu goobta ka baxsaday dilka u geystay Xaaskiisa.

Ninka dilay Xaaskiisa ayaa goobta ka baxsaday,waxaana durba baadi goobkiisa bilaabay dadka deegaanka.

Halkaan Hoose ka Daawo: