Waxyaabaha minka lagu xiro (looyaqaano aneelo)

0
12

Waxyaabaha minka lagu xiro waa qeyb kamid ah qeybaha loo isticmaalo ka hortaga dhaqtarka ayaana kuxira dumarka marka kadib uu jeermiska kadilo. Xiliga aad caadada qabtid. Wuxuu kugu xirnaan karaa ilaa sannado waxtarkiisana waa deg deg, markaad iska bixisidna bacriminta iyo caadada degdeg ayay usoo noqon.

Aneelaha maarta ah

  1. Qalab yar oo caag ah
  2. Fiilo dhuuban oo maar ah
  3. Fiilo jilicsan
  4. Labada tubo ee iskuxira ugxamaha
  5. Ugxansidayaasha
  6. Minka
  7. Siilka

Qeexid

Aneelaha waa caag jilicsan,oo ku wareegsan.

Fiilo dhuuban oo maar ah kana laalaado labo fiilo oo jilicsan.

Qaabka uu wax uqabto

  • Aneelaha maarta ah wuxuu lid ku yahay shahwada, wuxuu u diidaa inay bacramin sameeyso.
  • Ka hortagaas wuxuu wax kabadalaa qaabka minka ee uuna udiidaa inuu buulkusameeysto minka.
  • Waxtarkiisa waa sanado badana(ilaa 5 sano ama kabadan).

Kahortagaa wuxuu dhalinkaraa dhiig joogto ah, ama mar mar xanuun leh, ugu yaraan waxaa isku arki kartaa dhiig yar labo caado dhexdooda.

Sida loogashado iyo sida la isa gabixiyo

  • Waxaa lagu xiraa kadib markii jarmiska laga dilo siilka, waxaa haboon in la isku xiro inta aad caadada qabtid. Markii ay naagta rabto in laga siibo ama laga badalo,dhaqtarka wuxuu kaaga soo jidaayaa fiilo xariir ah.
  • waxaa lagu xiraa dumarka horey wax u dhalay. Intaas waxaa siidheer kontorool sanadle ah,latasho dhaqtarkaaga hadii uu walwal jiro:
  • Hadii uu infakshin imaado ama aad isku aragtid calaamado sida gubniin oo kale Cun cun oo kale,wasaq ama xunuun aad waligaa arkin.
  • Caadada oo kaamaqnaato
  • Xanuun aan caadi aheyn oo kaaqabto mindhicirka.

Kahortagaan guud ahaan wuu ilaaliyaa xiliga naagaha ay caadada helaan.
Nooc walba oo kahortag ah aneele ama wax kale,waxaa.
Mihiim ah inaad markasta isticmaashid salbatiibo taasoo kuu.
Noqonkarta ka hortag dhinaca cudurada sida aydhiska iyo infakshinka.

Aneelaha wuu laabmaa.(waxaa lagaliyaa minka)

  1. Dunta qalitaanka
  2. Luul maar ah
  3. Labada tubo ee iskuxira ugxamaha
  4. Ugxansidayaasha
  5. Minka
  6. Siilka

Qeexid
Aneelahaan wuxuu ka kooban yahay hal fiilo ee qalitaanka tasoo 6 luul ooyaryar maarna ah ku dhagan. Gabi ahaan wuu isku laab mi karaa wuxuna qaadanaayaa boos yar oo minka afkiisa.

Qaabka uu wax uqabto

  • Wax tarkiisa wuxuu lamid yahay midkaan horey usoo sheegnay aneelaha maarta casriga ah

Sida loogashado

  • Waxaa lagu xiraa minka salkiisa.
  • sida kuwa kale,waxaad xirankartaa markii aad koontoroola leedahay, dhaqtarkaaga qeyta dumarka, waxaana fiican in lagu gu xiro xiliga aad caadada qabtid.

Aneelahaas waxaa kujiro(Hormoon naageed)

  1. waa dhuuhormoon ku jiro
  2. Labada tubo ee iskuxira ugxamaha
  3. Ugxansidayaasha
  4. Minka
  5. Siilka

Qeexid

Aneelahaan waa wax caag ah oo jilicsan kuna wareegsan dhuuama tubo kasoo kujira hormoon. Hormoonkaas wuxuu xorkuyahay si toos ah afka minka.

Qaabka uu wax uqabto

  • Dhareerka seedaha ku yaalo minka afkiisa wuxuu adkeyaa una diidaa In shahwada aado ilaa minka.
  • Waxaa suuroobikara in shahwada ay tagi laheed gudaha minka
    Sikastaba ha ahaatee waxaa.u diidayo wax qabashadisa.
  • Ugu danbeentii.xuubka minka wuu dhuubnaan, wuxuuna diidayaa inuu buulsameeysto. Argtida hormoonka gudaha, caadada waxay noqon kartaa mid joogto ah ama marmar timaado xanuuyar leh. ama aysan kaa imaan.
  • Aneelahaas wuxuu wax tar leeyahay ilaa 5 sano hormoonkaas daraadiis ayuu waxtarkiisa ubadan yahay.

Sida loogashado

Sida aneelayaasha kale, dhaqtarka ayaa kugu xiraayo qaas ahaawaxaa fiican marka aad caadada qabtid.

Sida xaalad kasta oo kahortag ah,waxaa lagula talinaayaa salbatiibo inaad ula isticmaashid si eey u difaacdo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska iyo infakshinka.

2013, SANTÉ SEXUELLE Suisse, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; Artcoss, association romande et tessinoise des conseillères et conseillers en santé sexuelle, faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

(Somalisch / somali / Afsoomaali – Die Spiralen / Les dispositifs intra-utérins DIU)

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch
– Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Loading...