Qaybtii Koowaad:Saaxiibtinimadii Shalay Halkay Maraysaa Saakay, (Sheeko Taxane Ah)..

0
9

Waa laba wiil oo saaxiibo isku dheer ah. Cabdullaahi iyo Maxamed, waxay ahaayeen saaxiibo qaali isku ah. Waxay isu jeclaayeen sida walaaladood si ka heer saraysa waxay isku odhan jireen erayo qaali ah waxay kawada hadli jireen waxay-hig sanayaan.

Sirta mayna kala qarsan jirin. Waxwalboo arina way isu sheegan jireen. Waxay la haayeen talo wadaag mid walbaa waa xidhiidhin jiray ka kale ehelkiisa, saaxiibtinimada awgeed. Hadduu mid arko ka kale walaashiis wuxuu ujeclaa sida saaxiibkii si kabadan isaga oo aad usoo dhawayn jiray waalid ka sidoo kale mid kastaa ka kale waalid kiisa waa caawinjiray si aad u heer saraysa. Waxay uwada qosli jireen si farxadle oo aad uxeel dheer iyagoo gacmaha is haysatay wadada damari jireen. Waxay ahaayeen laba wiil oo isweheshada iskuna dabeecad ah hadaba maalin ayaa.

Hadaba maalin maal maha kamid ah waxay go’aan sadeen bal inay dugsiga waxbarasha aadaan si ay aqoontooda usiyaad sadaan mudo kadib iyagoo wax wada barta oo buugaagta wada akhrista aad na isu caawiya waxaa yimid fasixii yaraa ee dugsiga meeshu waa magaalo yar ama kaam laakiin wadooyin fiican leh oo u furan magaaloo yinka kale waxaase kaamka ku hareeraysan reero reermiyi ah oo xoolo dhaqato ah.

Cabdullaahi reerkoodu miyigu ayay deganayeen wuxuuna la noolaa eedadii oo magaalada dagan laakiin Cabdullaahi reerkoodu waa reerbaadiye laakiin Maxamad waligii miyiga muna arag mana yaqaano waxaase dhaqanka miyiga uga warama saaxiibkii Cabdullaahi sidoo kalle Maxamadna wuxuu uga sheekeeyaa ilbaxnimada magaalada iyo nolosheeda. Hadaba waxba yaana sheeka idinku daaline Cabdulaahi wuxuu si lama filaan ah u aaday reerkoodii reermiyiga ahaa oo aabihii oo caraaba ah iyo rag kale ayuu raacay ma oga Maxamad.

Hawshaas hadaba markay dhexda sii socdeen ayaa waxaa ay samadii noqotay mid rooba baw ah waxaa bilowday dabayl daruuro iyo ciir yaamo aan kala joogsi’lahayn waxaa iyagoon reer kii gaadhin haleelay roob aad u quwad wayn intay geedaha jirsana yeen waxaa durba dhacday ced ceedii roobkii waa uu sii socday unkad ka iyo hilaacu kala joogsi, male waxay go aan sadeen maadaamaa roobka la dhex soconkarin inmeeshan caawa loo hoydo dhulka dhirtu way is haysaa dhurwaa iyo libaaxna waa muush hadaba nimankii oo jirsanaya waxaa soo weeraray libaax.

La soco qeybtii 2aad Iyo doorkahaweenka.com………..

W/Q Irshaad Maxamed Cumar

Loading...