6 Qaab Oo Looga Bogsado Jaceylka Ku Haya Ama Xiriir Bur-buray!!

0
11

Ramadan Kariin akhristeyaal. Doorkahaweenka.com waxay isbuucan idiin soo bandhigtay qaabaka ugu fiican ee looga hari karo qof aad is-jeceshihiin ama uu xiriir idiinka dhaxeeyo.

Markan, waxaan sidookale soo gudbineynaa sida ugu haboon ee looga soo kaban karo xanuunka ka dhasha kala tegga xiriirka jaceyl.

1) Saaxiibo badan ku yeelo baraha buslshada: Si fudud ayaad uga soo kaban kartaa xiriir bur-buray ama jaceylkaagii aad kala tegteen.Xaaladaha nuucan oo kale, waxaa muhiim ah in niyaddaadu ay dareento in qofkii aad kala harteen uusan aheyn midkii ugu dambeeyay ama ugu wanaagsanaa ee aad kullantaan.

Niyadda ka dhaadhci inay dunida ku nool yihiin dad badan oo wanaagsan,haddana fahmi kara baahiyaha noloshaada.

Haddii aad talladan qaadato,waa hubaal inaad ka soo kaban doonto jaceylka ku haya ee aad weysay qof kula wada.

2-Dib ugu soo laabo hiwaayadahaaga iyo noloshaada caadiga ah:Isla markii aad kala hartaan jaceylkaaga,haddii aad si toos ah u billowdo nolol maalmeedkaaga,waxaad dareemi doontaa in noloshaada aysan ku tiirsaneyn qof kale.

3- U nax caafimaadkaaga: Haddii aad si waali ah u jeceshahay qofka oo aad aaminsan tahay in aadan heli karin qof la mid ah,haddaba dhibaato xun ayaad u sababeysaa caafimaadkaaga,waayo waxaa kugu badanaya wel-welka iyo fikirka,taasoo ugu dambeyn aad ka dhaxli karto xanuuno ay adagtahay in la daweeyo.

Waad noolaan karta qofkan la’aantiis,sidaas darteed, waxaa waajib kugu ah inaad ogaato in caafimaadka uu ka horreeyo wax walbo.

4-Iska dhaa-dhici inaad heli karto qofka aad dooneyso:Kadib marka aad kala hartaan jaceylkaagii hore,waxaad la kulmeysaa caqabado badan iyo wel-wel ku saleysan inaad heli doonto qof ku jeclaada ama kugu qanacsan.

Ha iloobin inaad heli karo dad badan oo ehel iyo saaxiibo ah kuwaasoo ku siin kara xushmad,waana muhiim inaad waqti ku bixiso sidii aad ula qabsan laheyd oo aad uga faa’ideysan laheyd jaceylka ay kuu muujinayaan dadkan.

5- Iska illow wad-hadal: Marna ma heli doontid soo kabasho ilaa ay niyadaadu ka aamineyso inuu xriirka ku dhamaaday qaab wanaagsan.

Ilaa inta uu qalbigaaga sawiranayo qofkii aad kala tegeen,isla markaana aad ku fikreyso inaad dib u hesho,waxaad ku jirtaa riyo aan dhammaad la heyn iyo xanuun joogta ah,waana kugu adkeynsaa inaad ka bogsato xanuunka ku hayo.

6-Faham sababata aad u jeceshay qofka: Inta badan, waxaad qofka u jeclaatay,inaad keli tahay oo aad u baahan tahay wehel,inaad dooneysid xiriir jaceyl ama baahi lacageed.Waxaa laga yabaabo in baahiyahaaga oo dhani aadan ka heli karin qofkaas oo uu jiro shakhsi kale oo wanaag badan kugu soori kara.

U Nax naftaada oo ha noqon tiisa illoobe haminaya inuu daryeello mid kale.

Haddaba, haddii aad tahay dhibbane Jaceyl oo uu saameeyay maqaalkan,waxaad nasoo weydiisan kartaa tallo. Nagala soo xiriir, Email: Doorkahaweenka.com@gmail.com.

Loading...