Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 2-aad )

0
8

Waasuge Waxa ay indhihiisu Sii Qabanayeen inantii uurkutaalada Ku Reebtay oo Meel Konton Talaabo u Jirta Kasii Buskicinayso Sida Qof uu Cadow ku Daba Jira oo Kale, Hayeeshee Xawaaraha Socodkeeda Waxa uu Dhaliyay ineey Madaxa La Gasho Gaari isna Xowli Kusocday oo Wadada Marayay.

inantii inta Gaarigii uu Kor u Qaaday ayeey Hadana Sara Jugle Dhulka ugu Soo Dhacday iyada oo Miir Daboolantay,…………… Darawalkiina Naxdin Darteed Waxa usuuro Gali Weysay inuu Fariinka Haleelo Balse Waxa uu Madaxa la galay Guri Hortiisa ahaa, Deetana Telefoon uu Ku Hadlayay Xiliga Shilku Dhacayay ayuu Garan Waayay Goor uu Jaray.

Dadkii Agagaarkaa Ka Dhawaa ayaa Goobta Shilku Ka Dhacay isugu Soo Xoomay , Waasuga oo Ka Fogaa Halka Gabadhu Kasii Buskicineysa ayaa ishiisu La Socotay, Waxa uuna Meel Dheer Ka Arkayay Ruux Bini,adan ah oo Gaari inta Kor uun u Qaaday Dhulka Kusii Dhaceysa, Minityo Gudohood Dareen ayaa Ku Dhashay Waxa uuna Horey usii Raacay Dad usii Yaacayay Halka Shilku Ka Dhacay, Dadka in Cabaar ah ayeey Ka Horeeyeen oo isaga Waxa Gadaal u Dhigayay Lugaha Macmalka ah ee u Xiraa, Balse Daqiiqada Gudahood ayeey Ku Gaareen Goobta Shilka.

Hayeeshee Darawalkii isaga oo indhaha Miriq Miriq Kasiinaya Afkuna Qalalay Aadna moodid Ruux Bil Barkeed oomana ayaa Gabadhii oo Miir Daboolantay Soo Dul istaagay Waxa uuna Hadal Ka Bilaabay Manooshahay inanta, Waasuge oo Markii intaas Dhagahiisu Soo Gaareen Ishiisana Mar…….

La Soco Qeybta 3-aad

Qoraaga Sheekadaan Xaaji Tahriib Halkaan Kala Xariir  Facebook Ahaan 

Loading...