DAAWO: Ninka Dunida Ugu Buuran Oo Qaliin Loogu Yareynayay Caloosha Lagu Sameeyay

0
8

Juan Pedro Franco, oo 33 sano jir loo aqoonsan yahay inuu yahay ninka adduunka ugu buuran ayaa qaliin heer caalami ah ayaa lagu sameeyay, kaasoo baruurta calooshiisa xertay looga yareynayay.

Juan Pedro Franco, oo culeyskiisu yahay 595 kg ayaa qaliinka lagu sameeyay uu noqday mid lagu guuleystay, inkastoo wax sidaas u weyn uusan iska badalin, haddana rajo ayuu ka qabaa in la dhimo culeyskiisa.

Ninkaan ayaa gabay dhaqdhaqaaqa, wuxuuna noqday qof sariir saaran oo meesha uun lagu quudiyo, waxaana dhaqtarka qaliinka ku sameeyay uu kula taliyay inuu yareero cuntada.

Hoose Ka Daawo Muuqalka video-ga

 

Loading...