DHAGAYSO:Mucjiso ifka Naadir ku ah oo lagu Arkay Guri kuyaala Degmada Dharkeenley Muqdisho…

0
8

Dhacdadaan oo ah mid qariib ah ayaa ka dhacday degmada Dharkiinley gaar ahaan guri ku yaala Xaafada Kaawa Godeey, waxaana Afartii bilood ee la soo dhaafay dadka dagan gurigaas ay dhibaato ku qabeen wax aan loo jeedin oo mararka qaar dagaal loo adeegsado dhegxaan iyo baangado kusoo qaada dadka dagan guriga.

Cabdiqaadir oo ka mid ah dadka dariska la’ah guriga ay dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in kooxo aan loo jeedin ay dhibaato ku hayaan dadka dagan guriga, oo uu tilmaamay inay gubayaan qaar ka mid ah alaabta taala.

Dhacadadaan oo mid layaab leh ku noqotay dadka dagan Dharkiinley ayaa isugu soo baxay xafadu ay ka dhacday dhacdadaas, waxaana la sheegay inay tageen ciidamada amaanka ee degmada, islamarkaana ay la kulmeen dhegxaan iyo baangado oo aan la aqoon meel ay ka yimaadeen, taasi oo sababtay in ciidamadu ay rasaas u furaan jihooyin kala duwan.

Loading...