Maxaad uugu bixisay magaca haddii !!

0
7

Sida aan ognahay waxaa jiro dhaqamo badan oo aan leenahay kaasoo aan fiicneen, waxaa ka mid ah “magaca” ilamaha oo aan loogu yeerin!

Waxaa laga yaabaa in aad la yaabtid oo aad tiraahdid maxaad uula jeedaa iyo sidee baa loogu yeerin ilamaha magacii loo baxshay!

Ilmo kasto markuu dhasho aad baa loogu farxaa magac qurux badanna waa loo baxshaa, ilaa intuu sanad ka gaarayana waala koolkooliyaa, magacyo badan oo uusan lahayn xattaa waa loogu yeeraa.

Sheekada waxay is bedeshaa markuu ilmihii gaaro socod iyo orod oo uu xoogaysto.

Hooyadii waxay bilowdaa canaan joogto ah, qeylo markuu ilmihii maqli waayo iyo in ay uugu yeerto
” Waryaa” ” Naayaa” oo uu booskii ka baxo magacii qurxoonaa.

Mararka qaar waxaa dhacda in kalmado habaar iyo hadal gefa xanbaarsan loogu yeero ilmihi .Sida lagu sii qaadyee kaalay .balo ku aragtay. Kii baas xaguu jiraa .iyo kuwo badanoo la mida taa waxa ka daran waalidka qaar afxumada caruurtoda iyageey ka koobiyeeyaan . Markaad ilmihi yaraa xiligaa xanaaqdo ku tiraahdo aabihi waxa ku sameeyee!! Subxaanalaah. Maxad ka sugaysaa ilmaha ilaahay oo naxaristisa huwiya mooyee inuusan Ceytamayn isna ..

Arintan aniga ayay ugu horeyn ku socotaa, waana waxyaalaha aan jeclahay in aan iska bedelno.

Nafteena aan ku tarbiyeeno kalmadaha wanaagsan oo ducada ku dheehan.

Digniin:
Iska ilaali in aad ilmaha yar ku canaanato ama ku disho kalmad aan fiicneen oo uu kugu soo celiyay! Ilaahay waa caadil, aan u cadaalad sameeno ilmaheena. Anagana aan u noqono tusaale?

Baarakallaahu fiikum Rabbi hanoo qurxiyo quubteena, carabkeenana wax wanaagsan hanoo waafajiyo.

Loading...