Fal Laga Argagaxo: Haweeney Cadaado Ku Gowracday Gabar 7 Sano Jir Ah

0
7

Arrin aad logo argagaxay ayaa Isniintii {06-3-17} ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka Galmudug, guri ku yaal magaalada ayaa laga helay meydka gabar yar oo 7 sano jir ah, taasoo si xun loo gowracay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in gabadhan yar oo lagu gowracay mindi, ayna ka danbeysay qof damar ah sida ay sheegeen dad deris la ah guriga Ufalkaan uu ka dhacay.

 

Lama yaqaan sababta falkaan ay u geysatay qofka dumarka ah ee lagu eedeeyay gowraca gabadhaan yar.

Ciidamada amaanka ayaa dhowr qof u qabqabtay dhacdadaan naxdin iyo argagaxa leh, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay.

Dadka deegaanka ayaa aad ugu fajacay dhacdadaan, waxaana aad looga hadal hayaa magaalada Cadaado.

Loading...